Skip to main content

Waa Tee Su’aasha La Odhan Karo Waxa Ay Isku Fuuqsatay Xiisaha Kulankii Muuse Biixi Iyo Dhalinyaradu?



Waa Tee Su’aasha La Odhan Karo Waxa Ay Isku Fuuqsatay Xiisaha Kulankii Muuse Biixi Iyo Dhalinyaradu?
“’Anigoo Wax Dili Kara Duco Qaadan Maayo Ciddii Qafal-Marjaca U Rogtay Waa Wasiirka Warfaafinta Mr. Cukuse Ee Isaga Halloo Yeedho”


Hargeysa: Da’yar Aqoonyahanno ah, ayaa su’aalo tiro badan oo aad u xiiso badan ku darandoorriday Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, kadib markii ay fursad ugu heleen Barnaamij Su’aalo toos ah lagu weydiinayey Guddoomiyaha oo uu soo qaban qaabiyey Telefishanka HCTV.
Kulankan oo dhawaan lagu qabtay Hutel Green Plaza ee magaalada Hargeysa, ayaa Su’aalo tiro badan Guddoomiyaha lagu weydiiyey, waxana uu si saraaxad leh uga jawaabay Dhammaanba su’aalihii dhegihiisa soo gaadhay oo u badnaa qaar Shacabku faa’iido badan ka heleen.
Su’aalaha Guddoomiyaha la weydiiyey oo aad u badnaa, ayaanu akhristayaashayada uga soo qaadnay Midhadh kooban oo aanu xiiso gaar ah bidnay, kuwaas oo noola muuqday inay nala wadaagaan.
Su’aalahan kooban ee aanu Barnaamijkaas kasoo goynay, ayaa salka ku haya Taariikho hore oo Guddoomiyaha soo maray, kuwaas oo siyaabo kala duwan loo turjumo, balse uu Muuse Biixi u sharraxay sidii ay ahaayeen, maadaama Tafsiirro kala duwan ay ku gaadheen Dhegaha in badan oo shacabka kamid ah.

Saddex Su’aalood, ayaa ugu xiiso badnaa Su’aalihii Guddoomiyaha la weydiiyey, waxana ah ahaayeen qaar uu Guddoomiyuhu jawaabaha uu ka bixiyey si weyn ugu raaxaysanayey, waxana ta ugu horraysaa ahayd su’aal la xidhiidha Qaraxyadii Shaanida lagu sheegay ee Hargeysa ka qarxay xilliyadii khilaafka siyaasadeed dhexmaray Guddoomiyaha Laftiisa iyo waliba Madaxweyne Siilaanyo badhtamihiii sanadkii hore.
Nuxurka Su’aasha oo ahaa in qaraxyadaasi la bilaabmeen Khilaafkii Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha u dhexeeyey, isla-markaana la dhammaaday tanaasulkiisii, ayuu Guddoomiyuhu sidan uga jawaabay,
“waa runtaaye maalmahaanu Siilaanyo Murmaynay wuxuun baa bacdaaa hayey, anigu shaani iyo raani wax ay ahayd ma aqaane wax way jireen, laakiin su’aasho ma kulmiye tuurayey oo is shiidayey mise waa naloo dhex raaciyey. Horto aynu baadhitaan samayno.” Ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Su’aal kale oo aad uxiiso badnayd, ayaa ahayd Weerar xubno dhalinyaro ahi ku qaadeen Aqalka Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali(tuur),xilligaas oo Muuse Biixi kamid ahaa xubnihii awoodda Badan ku lahaa Gudaha Magaalada Hargeysa, waxana uu u jawaabay sidatan, “Cabdiraxmaan tuur maalintii gurigiisa la galay aniga iyo Quule aadan Raggii Gurigiisa galay raggii Bakooradeeyey Ayaan kamid ahaa, waliba Kuwii galay maanta Garaaddo miidhan bay sitaan, waana Hebel iyo Hebel, laakiin Qalad dhalinyaronimo ayey galeen.”
Su’aasha la odhan karo waxa ay isku fuuqsatay Xiisihii kulankii Guddoomiye Muuse  la qaatay dhallinyarada aqoonyahanka, ayaa ahayd mid la xidhiidha Odhaah in badan Guddoomiyaha lagu shaambadeeyo oo uu xilli hore afkiisa ka yidhi taas oo ahayd in iyadoo maslaxad Laftiisa laga raadinayo uu ku maahmaahay (Anigoo Wax Dili Kara Duco Qaadan Maayo), balse waxa uu sheegay inaanu hadalka ujeeddadiisu sidaas aanay ahayn, waxana uu  tidhi, “anidoo wax dili kara Duco qaadan maayee Debci Qorigu hay faro, Horto waa Gabay Hadraawi tiriyey, aniguna waan ka xigtay anigoo khayriyada ka Hadlaya. Ilaahayba horto waxa uu ku rooneeyey way duuban tahay, Ciddii aan ku idhi iyo ciddii qafal marjaca u rogtay waa wasiirka warfaafinta Mastar Kucuse halloo yeedho isaga oo halla weydiiyo, Jawaabtaasi maalintii ay dhacday waxa ay ahayd maalin aynu Koonfurta is haynay, nimankaan ku idhina waa nimankaas diidan qarannimadeena, cajaladaadsan doon wariyayaashii Berigaas wax qori jirey way nool yihiin, siday kuugu soo sheegeen hadday tahay dembiile weyn baan ahay, Haddii kalena nin dalka daafacayey baan ahay.”
Www. Hajicami.blogspot.com
Fb: Abdiasiis jama Haji Cami
Hargeisa Somaliland






Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii