Wargayska
Indian Ocean Oo Warbixin Ka Qoray Loolanka Kulmiye Ee Maxamed Biixi Iyo Muuse
Biixi.
Hargeysa -Wargeyska Indian Ocean
ayaa cadadkiisii shalay soo baxay wuxuu warbixin ka qoray loolanka ka taagan
shirka golaha dhexe ee KULMIYE ee qabsoomi doono 10 November 2015. Wargeysku,
wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo oo ah 80 jir aanu doorashada dambe
tartami doonin, isagoo wargeysku sheegay in tanaasulkaas Madaxweyne Siilaanyo
qarxiyay loolanka ficilka ku salaysan ee u dhexeeya Maxamed Biixi Yoonis oo ah
wasiirka khaarajiga iyo Muuse Biixi oo ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. –
Wargeysku wuxuu sheegay in Muuse
Biixi isku hubo kalsoonida in Madaxweyne Siilaanyo iyo xaaskiisa Aamina-weris
ay taageeri doonaan. “26 September wuxuu Madaxweyne Siilaanyo la kulmay
odayaasha Beeshiisa Habarjeco waxaanu weydiistay inay ku daba faylaan
Muuse Biixi.
Wuxuu
sidoo kale tirsanayaa codadka Gadabuursi iyo hoggaamiyahooda ahna
madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici.” ayay tidhi warbixintu, waxase uu
wargeysku tilmaamay in haddii uu Muuse ku guulaysto musharaxa KULMIYE ay
siyaasiyiin culusi ka bixi doonaan xisbiga una wareegi doonaan xisbiga
mucaaradka ah ee Waddani, “Hase yeeshe haddii uu Muuse Biixi noqdo musharaxa
madaxweyne ee KULMIYE, siyaasiyiin culus ayaan ka gaban doonin inay u wareegaan
xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.” ayay tidhi warbixinta wargeysku.
E-mail: Samater2013@gmail.com
Fb:
Abdiasiis Jama Haji cami
Hargeisa
Somaliland
Comments
Post a Comment