Monday, 21 September 2015

June 16, 2015 Abdirashid Ibrahim Eedaymo iyo dhaleecaymo badan oo ka imanaya Qaramadda Africa ayaa ku wajahan Maxkamadda ICC. Eedaymahani waxay bilawdeen markii maxkamadu dacwado ku oogtay Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa Ruto. Doodahani waxay sii xoogaysteen bishan June ee 2015 kadib safarka uu South Africa ku tagay Madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan Al Bashiir oo ka qayb galaya shirka Qaramada Africa (African Union Summit). Maxkamadda ICC waxay codsatay in Albashir lagu xidho South Africa – iyadoo arintaasi ka jawaabaysa Maxkamadda South Africa waxay soo saartay wareegto ay ku amrayso hay’addaha ay khusayso ee South Africa in aan loo ogolaan Albashir in uu ka baxo South Africa. Dad badan & dawlado badan oo Afrikaan ah ayaa aaminsan in Maxkamadda Caalamiga ah ee danbiyadu ay tahay nidaam cusub oo dib u abuuraya haysashadii Gumaysiga. 60% kharashka ICC waxa bixiya Midawga Yurub (EU). Mareegta ICC waxa si cad ugu qoron in ay maxkamadu dhaqaale ka hesho sharaaig iyo shakhsiyaad kale. Sida hay’addaha kale ee caalamiga ahba, xidhiidh dhow ayaa ka dhaxeeya kharashka hay’addi ku shaqayso bixinteeda iyo saamaynta ay cida bixisay ku leedahay hawlaha hay’addaasi fuliso. Kooxaha Africa ee sida weyn u dhaleeceeya ICC waxay ku doodaan in ICC ay fuliso siyaasadda Arrimaha Dibada ee Yurub oo si heer sare ah loo doorto hadba meelaha sida siyaasadaysan loo faro galinayo iyadoo lagu salaynayo danaha reer Galbeedka. Waa sababta EU-du ay u bixiso kharashka ugu badan ee ku baxa Maxkamadda. Cilmi baadhayaasha qaarkood ayaa ku dooda in ay ICC tahay Xabsiga Guantanamo Bay ee Europe (ICC: Europe’s Guatanamo bay). Maxkamadu waxay si muuqata ugu wajahan tahay Africa gaar ahaan Afrikaanka madow (Black Africans). Xasuuqyo iyo danbiyo dagaal oo ka dhacaya wadamo ka baxsan Afrika si cad oo waadix ah uguma jiraan qorshayaasha maxkamadda. Bal u fiirso waxa ka dhacaya Burma, Venezuela,Colombia, Iraq, Syria, Afghanistan, Egypt IKK. Dacwad oogihii hore Maxkamadu Luis Moreno-Ocampo wuxuu si cad u diiday in uu qabto dacwad ka dhan ahayd Tony Blair kuna wajahnayd dagaalkii dhibka badan keenay ee uu Ciraaq ku qaaday. Ocampo markii uu diiday qabashada dacwadaasi, ICCWatch waxay ku doodeen in uu jiro mid loogu yeedho “Sharciga Caalamiga ah” oo Yurub, wadamadda galbeed & hogaamiyayaashooda loogu talo galay iyo sharci caalami ah oo ka duwankaasi oo dunida Saddexaad loogu talo galay. Dacwadaha ka furan Maxkamaddu illaa hadda waxay ku socdaan Muwaadiniin African ah. Prof Mamdani, waa Ugandhiis ah Madaxa machadka cilmi baadhista ee Jaamacadda Columbia ayaa qoray “ICC waxay ku shaqaynaysaa agandaha reer galbeedka, gumaystayaashii hore ee Afrika ayaa saamayn toos ah ku leh ICC”. Wadamadda Afrika waxa Culays badan saaray Europe si ay u saxeexaan heshiiska Rome Statute iyagoo shuruud ku xidhay wadanka aan saxeexin in aanu ka mid noqonayn heshiiska Africa-EU Trade Pact – The Cotonou Agreement oo ahaa heshiis lagu soo qariyay mashaariic qurux badan balse masiirka danbe ahaa in danbiyada Africa ka dhaca lagu maxkamadeeyo ICC (Impunity & promotion of Criminal Justice Through ICC) In kastoo Albashiir dunuub badan ka galay dadkiisa Darfur isla markaana ay tahay gar in uu wajaho maxkamad si cadaalada loo hor geeyo, haddana ICC waxa ugu qarsoon arinta Sudan iyo Africaba qorsheyaal ka mug weyn maxkamadayn masuul dambiyo galay. Inta saluugsan qorshayaasha ICC waxay qabaan in ay Africa ay iyadu qabsato shaqadeeda oo ay maxkamadeeyaan danbiilayaasha Africa. Balse aanay maxkamadayn hay’ad loo arko gumaysiga cusub isla markaana lumiyay kalsoonidii iyo u dhex ahaanshihii caalamka iyadoo doodu tahay in ay ICC noqoto Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada Dunida ama Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada Africa. Tixgalin Abdirashid Ibrahim



ICC: Maxkamadda Danbiyada Afrika mise Caalamka?


Eedaymo iyo dhaleecaymo badan oo ka imanaya Qaramadda Africa ayaa ku wajahan Maxkamadda ICC. Eedaymahani waxay bilawdeen markii maxkamadu dacwado ku oogtay Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa Ruto. Doodahani waxay sii xoogaysteen bishan June ee 2015 kadib safarka uu South Africa ku tagay Madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan Al Bashiir oo ka qayb galaya shirka Qaramada Africa (African Union Summit). Maxkamadda ICC waxay codsatay in Albashir lagu xidho South Africa – iyadoo arintaasi ka jawaabaysa Maxkamadda South Africa waxay soo saartay wareegto ay ku amrayso hay’addaha ay khusayso ee South Africa in aan loo ogolaan Albashir in uu ka baxo South Africa.
Dad badan & dawlado badan oo Afrikaan ah ayaa aaminsan in Maxkamadda Caalamiga ah ee danbiyadu ay tahay nidaam cusub oo dib u abuuraya haysashadii Gumaysiga. 60% kharashka ICC waxa bixiya Midawga Yurub (EU). Mareegta ICC waxa si cad ugu qoron in ay maxkamadu dhaqaale ka hesho sharaaig iyo shakhsiyaad kale. Sida hay’addaha kale ee caalamiga ahba, xidhiidh dhow ayaa ka dhaxeeya kharashka hay’addi ku shaqayso bixinteeda iyo saamaynta ay cida bixisay ku leedahay hawlaha hay’addaasi fuliso.
Kooxaha Africa ee sida weyn u dhaleeceeya ICC waxay ku doodaan in ICC ay fuliso siyaasadda Arrimaha Dibada ee Yurub oo si heer sare ah loo doorto hadba meelaha sida siyaasadaysan loo faro galinayo iyadoo lagu salaynayo danaha reer Galbeedka. Waa sababta EU-du ay u bixiso kharashka ugu badan ee ku baxa Maxkamadda. Cilmi baadhayaasha qaarkood ayaa ku dooda in ay ICC tahay Xabsiga Guantanamo Bay ee Europe (ICC: Europe’s Guatanamo bay).
Maxkamadu waxay si muuqata ugu wajahan tahay Africa gaar ahaan Afrikaanka madow (Black Africans). Xasuuqyo iyo danbiyo dagaal oo ka dhacaya wadamo ka baxsan Afrika si cad oo waadix ah uguma jiraan qorshayaasha maxkamadda. Bal u fiirso waxa ka dhacaya Burma, Venezuela,Colombia, Iraq, Syria, Afghanistan, Egypt IKK.
Dacwad oogihii hore Maxkamadu  Luis Moreno-Ocampo wuxuu si cad u diiday in uu qabto dacwad ka dhan ahayd Tony Blair kuna wajahnayd dagaalkii dhibka badan keenay ee uu Ciraaq ku qaaday. Ocampo markii uu diiday qabashada dacwadaasi, ICCWatch waxay ku doodeen in uu jiro mid loogu yeedho “Sharciga Caalamiga ah” oo Yurub, wadamadda galbeed & hogaamiyayaashooda loogu talo galay iyo sharci caalami ah oo ka duwankaasi oo dunida Saddexaad loogu talo galay. Dacwadaha ka furan Maxkamaddu illaa hadda waxay ku socdaan Muwaadiniin African ah.
Prof Mamdani, waa Ugandhiis ah Madaxa machadka cilmi baadhista ee Jaamacadda Columbia ayaa qoray “ICC waxay ku shaqaynaysaa agandaha reer galbeedka, gumaystayaashii hore ee Afrika ayaa saamayn toos ah ku leh ICC”.
Wadamadda Afrika waxa Culays badan saaray Europe si ay u saxeexaan heshiiska Rome Statute iyagoo shuruud ku xidhay wadanka aan saxeexin in aanu ka mid noqonayn heshiiska Africa-EU Trade Pact – The Cotonou Agreement oo ahaa heshiis lagu soo qariyay mashaariic qurux badan balse masiirka danbe ahaa in danbiyada Africa ka dhaca lagu maxkamadeeyo ICC (Impunity & promotion of Criminal Justice Through ICC)
In kastoo Albashiir dunuub badan ka galay dadkiisa Darfur isla markaana ay tahay gar in uu wajaho maxkamad si cadaalada loo hor geeyo, haddana ICC waxa ugu qarsoon arinta Sudan iyo Africaba qorsheyaal ka mug weyn maxkamadayn masuul dambiyo galay.
Inta saluugsan qorshayaasha ICC waxay qabaan in ay Africa ay iyadu qabsato shaqadeeda oo ay maxkamadeeyaan danbiilayaasha Africa. Balse aanay maxkamadayn hay’ad loo arko gumaysiga cusub isla markaana lumiyay kalsoonidii iyo u dhex ahaanshihii caalamka iyadoo doodu tahay in ay ICC noqoto Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada Dunida ama Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada Africa.
Tixgalin
Abdirashid Ibrahim

No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...