Skip to main content

Islaamka iyo Haweenka!



Islaamka iyo Haweenka!


Haween ayaan sharaf ku leeyahay, waa seeska noloshayda iyo taadaba. Halkan aan taagnahay ma soo gaadheen la’aantood (Hooyo, walaalo iyo waxwalba way ii yihiin), waxay igu hayaan; kool koolin, toos toosin, tabobarid,tarbiyayn soo jireen ah iyo sidii ay iiga dhigi lahaayeen qof sharaf iyo karaamo leh, uma dul qaataan in ay igu arkaan inyar oo diif ah, ma maqli karaan hadal xun oo la iga sheegayo, waxan u ahay dahab, intaasi iyo in kabadan ba waajib ayay iigu leeyihiin oo way ii yihiin, saacad kasta, iyo wakhti kasta ixtiraamka iyo tixgalinta aan u hayaa waa mid joogto ah oo jiri doonta, ma ahan mid maalin kaliya ah, waase mid abid ah. Jannatul Fardawsa waxan ka raadiyaa gondaha Hooyaday, hooyo kasta iyo haweenka inala dhashay (Illaahay ha inaguguuleeyo). Waan ka fikiraa ugu yaraan in leeg sida ay iiga fikiraan, uga warwaraa in ku dhow sida ay iiga warwaraan.
“Wali habeen ma seexatay adiga oo aan hooyo soo marin, ma ogaatay in ay ilaa salaaddii subax soo jeeday iyadoo moodaysay in aad wali maqan tahay oo kaa werwersan. Markaad ogaatay in ay soo jeedo oo ay ku sugayso ma waydiisay; Hooyo maxaad in aan guriga ku jira u eegi wayday ma ku tidhi – Waxaan is idhi haddii uu hurdo armood toosisaa” bal naxariistaasi eeg, mid la mid ah ayaynu u haynaa hooyooyinkeen, walaaladeen iyo haweenkeena cisiga iyo sharafta leh.
Islaamku wuxuu sharfay Haweenka. Wuxuu ku sharfay in ay yihiin hooyooyinkii Umadda oo ay waajib tahay in  la qadariyo lana adeeco.La dhaqanka haweeneyda muslimada ah waxa la adkeeyey in uu ahaado mid naxariis iyo ixtiraam leh. In aad qadariso oo aad karaamayso Hooyo waxaa lagu gaadhayaa raali ahaanshaha Illaahay (swt).
Islaamku wuxuu kor yeelay sharafta Gabadha Muslimadda ah. Islaamku wuxu faray haweenka, sida ragga, in ay rumeeyaan Illaahay oo ay caabudaan, raacaan sunnihii Rasuulka scw.Islaamku wuxuu simay abaal marinta ragga iyo dumarka maalinta aakhiro. Haweenku waxay xuquuq u leeyihiin in ay fikirkooga cabiraan, bixiyaan talooyin iyo tusaalooyin suuban, ka qayb galaan wax qabadka bulshada, faraan waxa wanaagsanoo ay xumaantana reebaan. Haweenku waxay xaq u leeyihiin in ay hanti yeeshaan,in ay iibiyaan oo ay iibsadaan, in ay dhaxlaan, isla markaana bixiyaan Sadaqo.
Qofnaba uma bannaanain uu la wareego hantida haweenkeena ilaa iyo ogolaanshiyaheeda. Haweenku waxay xaq u leeyihiin nolol fiican oo aan hagardaamo lahayn. Waxay xaq u leeyihiin in aywax bartaan; Islaamku wuxuu waajibiyay in la baro diintooda suuban ee Islaamka sida raggaba.
Waxaa xaqiiqo ah in dhamaan diimaha kale ee caalamka ka jiraa ay afkaar khaldan ka aamin sanyihiin dumarka. Ilaa qarnigii 19aad, Yurub dhexdeeda haweenku xaq umay lahayn in ay hanti yeeshaan. Haweenka Yurub ee wakhtigaasi marka ay guursadaan waxay hantidoodu toos ugu wareegaysay raggooda ama ma ay isticmaali karayn ilaa ay ogolaansho ka helaan ragooda. Ilaa haatan, gabadha la guursado wadamada reer Galbeedka Magaceeda waxa lagu daraa ka ninka guursaday, ma kuwaasi ayaa xor ah.
Wadanka Britian, oo ah wadamaddii Yurub ugu horeeyey ee dumarka u ogolaaday in ay hanti yeeshaan wuxuu sharciga ogolaanshaha sameeyey 1860 kaaso oo la odhan jiray “Married Women Property Act”. Islaamka, 1300 oo sano ka hor taariikhdaasi ayay xuquuqda hanti yeelashada haweenku ku cadayd Sharciga Islaamka; haweenka Islaamku hanti ayay xaq u leeyihiin in ay yeeshaan, haddana iyagoo hanti leh ayuu Illaahay ragga ku waajibiyay in ay nolosheeda damaanad qaadaan ilaa gabadha laga guursanayo, oo masuuliyadeedu wareegayso, oo ay waliba masuuliyadaasi fuulayso ninka guursaday, waa sharfid iyo karaamayn, waa sugitaanka xuquuqdooda.
Culimada cilmiga ee Faransiisku shir ayay isugu yimaadeen 586 ce, waxay ka wada hadlayeen in dumarku ay ruux leeyihiin iyo in kale, haddii ay ruux leeyihiin ma ta xayawaankaa mise waa ta bani’aadamka ayay is waydiiyeen. Gabogabadii waxay ku heshiiyeen in dumarku leeyihiin ruuxda bani’aadamka! balse waxaa loo abuuray ayay yidhaahdeen in ay Ragga u shaqeeyaan kaliya. Xaasha’e Islaamku dumarka kama dhigin adoomo, waa sharfay, waa xoreeyey oo uu karaameeyey iyagoo nolosha lagu aasi jiray Islaamka ka hor. Waa seeska qoyska Muslimka ah iyo halka cisiga iyo sharafta Islaamka laga soo dhiso.
Wakhtigii Henry VIII (1491-1547) uu boqorka ka ahaa Igland, baarlamanka Ingiriisku wuxuu soo saaray wareegto ka mamnuucaysa in ay dumarku akhriyaan bibleka sababtoo ah ayay yidhaahdeen ma ahan daahir. Ilaa 1805, shuruucda ingiriisku waxay ragga u fasaxayeen in ay dumarkooda iibin karaan. Islaamku markii uu yimi ayay dumarku xor noqdeen ilaa iyo maantana waa xor xuquudooduna waxay ku sugan tahay Kitaabka Quraanka ah iyo Sunnada Rasuulka (scw).
Guntii iyo gabo gabadii; waxaa la inooga baahan yahay in aynu u guddano waajibaadka Islaamka sida sunnaha Rasuulka –scw- iyo Kitaabka quraanku ina farayo. Ilbidhiqsi kasta iyo wakhti walba karaamee haweenkeenee, sharaf wakhti walba. U samo fal gabadh kasta oo muslim ah. U wanaaji sida ay kuu wanaajiyaan si ka badan – ha duudsiyin xuquuqda Illaahay siiyay, sidii Rasuulku (scw) u jeclaa haweenka u jecloow adoo raacaya sunnihii Rasuulka (scw), hana ilduufin in aad ka hor joogsato wax kasta oo diinta Islaamku ka nahyiday. Haweenkana waxa looga baahan yahay in ay waajibaadka iyo xuquuda Illaahay u baaneeyey si suuban ugu dhaqmaan oo ay ka foojignaadaan dhaqanno kasta oo la ina soo dhex galinaa
By Haji Cami
HARGEISA SOMALILAND

Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii