Skip to main content

Mas’uuliyaddu Maaha Intan kuu Muuqata oo Keli Ah



Mas’uuliyaddu Maaha Intan kuu Muuqata oo Keli Ah.
Qalinkii;Aqoonyahan Mohamed Ali Bile
“Aqoonta U adeegta Nolasha

 Ka warran haddii berri subax madaarka laga soo dejillo, meydka 600 oo dhalinyaro ah oo laga soo ururiyey saxaraaga u dhexeeya dalalka Suudaan, Jaad iyo Liibiya iyo badda Midhatereeniyanka?  Waa laga yaabaa in marka ad qoraalkan ad hadaakaa marineyso, inad tidhaahdo “Ilaahey kama yeelo” ama “habaar waa dibad” iyo hadalo la mida. Ka warran haddii hadalkeygu dhabyahay. Ka waran haddii dhalinyaro intaa ka badani ay dhinteen 3 sanadood ee uugu danbeeyey, iminkana dhimanayaan? Waxan kuu hubaa in tirada dadka badaha iyo saxaraaga ku naf waayey, haddii madaarka laga soo dejiyo inaan sidan la ahaadeen; umaddu iska aamusnaateen; dawladnimadu sida uun iskaga jirteen, baarlamaanku sida uun u shireen. Dareen kale ayaa iman lahaa. Waxa iminka loo dareemi layahay meydkooda iyo lafahooda ayaa inaga fog.
Kuwa meydkooda la keenaa waxaabey nasiib ku lahaan lahaayeen, inta lagu tukado, ayaa sharaf lagu aasi lahaa oo waalidkii dhalayna ku samri lahaa. Ka waran tirada badan ee sida isdaba jooga ku dhinta ama ku dhibaatooda saxaraaga ee aan meydkoodaba la helin, ee ka nasiibka leh ee meydkiisa la heleyna inta ciid yar loo faagfaagey lagu aasey saxaraaga. Ka warran iyaga kuwa badan ee ay baddu liqdey ee yaxaasku cuney ee lafahoodii laga heley xeebaha Liibiya. Tirada meydadka laga soo saarey xabaalo wadareedyada Hargeisa iyo agagaarkeeda, ee ah dadkii gacanta ka xaqa darani dishey 1988-1990-gii, waxa aad uga badan dhalinyarada ku jirta xabaalo wadareedka badda midhatareeniyanka, ee aan weli lagu tukan lana aasin, ee an weli sida cad loo tilmaamin cidda ay mas’uuliyaddaasi saarantahay.
 Hadalkeygan waxa dareemi kara uun waalid iyo walaalo inankoodii ama inantoodii sidaas oo kale ku waayey. Waxa iyana dareemi kara walidka ilmahoodii jidka ku sii jiro ee wadnaha farta ku haya ee tilifoonkii soo dhacaba is leh tolow ma geeri ayaa la soo sheegi. Waxa dareemi kara waalid wiil ama gabadh uu dhalay ay la joogaan, oo maalin kasta is leh, tolow goorma ayey dhaqaajin oo Magafe kula soo hadli iyada oo ilmahaagii saxaraaga Liibiya lagu heysto. Waxa dareemi kara waalid ilmihiisii baxay ee isana ka daba baxay si uu u soo celiyo ee ay qaar AW barre ku gaadheen, qaar jigjiga ku gaadheen, qaar markii ay gaadheen xuduudda Itoobiya iyo Suudaan la yidhi, inankaagii xalay ayuu gudbey.
Labadii boqol ee sanadood ee ina soo dhaafneyba, tahriibku uu jirey. Soomalidu waxa ay u tahriibi jireen, Afrikada Bari iyo Ardu Sawaaxil. Qaar maraakiibta ayay siimaan (sea man) ka ahaayeen oo ay marka danbena kaga hadhi jireen dekedaha Yurub. Gaar waxa ay ku sii dhuuman jireen khanka maraakiibta, markaasey soo bixi jireen marka markabku ku xidho deked kale. Qaar inta ay cimrada tagaan Sucuudiga, ayay marka danbena dalkaa ku dhex dhuuman jireen. Qaar inta ay Yemen tagaan ayay lug ku geli jireen Sucuudiga. Tahriibku wuxu ahaa arin soo jirey, oo dadku ay ku raadsanayeen nolol ka fiican tey ku jiraan.



Tahriibka maantu uu ka duwanyahay kii hore loo yaqaaneyn. Tirada dadka tahriibayaa wey ka badanyihiin kuwii hore, oo kumanaan aya tahriibaya. Dadka tahriibayaa waa wada dhalinyaro badankodu ciyaala iskuul ah iyo qaar jaamacado dhameeyey. Tahriibka maanta waxa uu leeyahay khatar aad u badan oo bad iyo saxaraa ayaa la marayaa. Waxa sii dheer, tahriibka maanta waa qaali oo reerihii ayaa la weydiinayaa oo lagu dirqiyaya xoolo aaney heyn oo la odhanayaa inankiinii ama inantiinii halkaasaa lagu heystaa ee soo furta. Intan oo dhan waxa sii dheer, tahriibka maanta dhimashadiisa ayaa badan, oo ma jirto magaalo  dalkeena laga ooyeyni. Warbaahintii oo fududaateyna, naxdintii ayay sii badisey oo qofka meel ku dhinta ama lagu heysto, isla saadacaddaa ayaa bari iyo galbeed laga maqlayaa oo naxdintu sii badaneysaa.
 Dadka xabaalo wadareedka laga heley wadankeena waa la garanayaa ciddii dishey, iyo sababta loo diley, waana arin ama laga gungaadhi karo ama lagu samri karo.  Balse dhalinyarta baddu liqdo maalin kasta, yaa ka mas’uul ah? Waa su’aal waajib ah in la isweydiiyo. Midi waa dhab oo qof qaangaadh ah wixii uu goosto ee uu ku dhaqaaqaa, waa mas’uuliyadiisa. Balse, masuuliyadaasi halkaa ku eekaan meyso. Arinku ma taagna qof iyo laba ama toban. Arinku waa Aafo Qaran. Waxa ay la mid tahay, masiibooyinka umadaha ku dhaca sida abaaraha iyo duufaanada iyo dhulgariirka. Aafo qaranna, waxa masuuliyadeeda leh qaranka. Maaha arin lagu daawado hooyada iyo aabaha goblamey ama goblan sugaha ah oo keliya. Waa arin u baahan in si baaldhan looga tashado. Waxa an qaranka mas’uuliyadda in badan uuga saarayaa, dadkan dhimanayaa waa muwaadiniintii ay mas’uulka ka ahaayeen. Caruurtan waxa dhalay waalid qarankan iyo dawladnimadan wax ka soo dhisay oo u codeeyey. Markuu waalidkaasi codeynayey, ama uu qaranka wax ka dhisayey, waxyaabaha uu ka fakirayay waxa uugu weyn in caruurtiisu mustaqbal wanaagsan hesho. Sidaa darteed qaranku, gaar ahaan dawladda waxa saaran mas’uuliyad toos ah iyo mas’iiliyad darmiir (moral responsibility).
 Sida tahriibka wax looga qabtaa ma sahlana, dawladuna keligeed ma joojin karto, balse, waxa loo baahanyahay in laga tashado, oo la qorsheeyo mustaqbalka dhow iyo ka fog wixii laga yeeli lahaa. Qorsheynta noocaas ah ayay dawladdu hogganka u qaban kartaa. Midi iyadu wey caddahay oo tahriibku waa calaamad ka mida dhibaatooyinka hoose ee dhalinyarada heysta ee loo baahanyahay in wax laga qabto. Dhibaatadaas oo ay uugu weyntahay, shaqo la’aan, dhiirgelin la’aan, wacyi gelin la’aan iyo inaan dhalinyaradii la mashquulin, oo ay ay inta badan iska taagtaaganyihii. Waxa iyana ka mas’uul ah, dawladnimadeenii waxay noqotey dad kooban oo mashquuley oo ad ka shakiyeyso in dhalinyartu ay uuguba jirto ajandaha. Qorshe wanaagsan oo la sameeya, waxa uu badbaadin karaa kuwa kal danbe iyo sanadada danbe tahriibi lahaa.
 Waxa iyana loo baahanyahay, in waxa iminka socda wax laga qabto. In dawladda iyo warbaahintu is kaashato oo wacyigelin mugleh laga galo. Wacyigelintu maaha oo keliya tahriibku uu xunyahay ee ka jooga, balse ha noqoto wax ka mugweyn. Waxa wax laga barankaraa dalalka masiibooyinkan oo kale qabsadeen ee ka badbadey. Dhalinta waa in la rajo geliya oo wax badan oo wanaagsan oo dalka yaala wax looga sheega oo aan aheyn intan iminka lagu soo celceliyo ee idaacadda iyo telefishanada laga sheego.
Waxa iyana muhiim ah, in la diiwan geliyo dadka dhinta oo loo sameeyo meel lagu qoro, taariikhda, da’da, haddii la helayo sawirkooda, goobta uu qofkaasi ku dhintey iyo sababta uu u dhintey. Aad ayay muhiim u tahay oo taariikhda ayay geleysaa, jiilasha danbena waxbey ka baranayaan. Waa lagama maarmaan dhalinyarta dhimata tacsi loo dhigo oo baruurdiiq loo sameeyo oo la magacaabo maalin la isu soo baxo oo loogu duceeyo. Ka sakow baroordiiqda, taasi wacyigelin ayay u noqoneysaa dhalinyarada dalka jooga ee aan fikirka buuka ka heysan dhibaatada tahriibku leeyahay.
 Waa muhiim in arinta dhalinyarada hoos loo eego oo wax laga qabto shaqo la’aanta heysata iyo dareenkan raja la’aanta ah ee sida fudud u baahey. Dhalinyarada tahriibtaa maaha reer miyi, mana aha dibjirka, maaha xamaaliinta suuqa ka shaqeysta. Waxay u badanyihiin ciyaala iskuul iyo qaar tacliintii dhameystey. Waa dhalinyartii ay ku soo tabceen waalidiintii 24 sanadood ee la soo dhaafey dalka wax ka soo dhistey. Waa midhiihii xoriyadda. Waa jiilkii u kacay kuwii dagaalada ku naafoobey, waa jiilkii ay daleen askarta dalka difaacdaa, waa caruurtii macalimiintu dhashay. Waa caruurtii ku dhalatey xaafadahan jaarkeena, waa kuwaaga iyo kuweyga oo kale. Maaha caruur kibirsan oo la ceshan waayey oo ay ciyaar ka tahay, balkse waa dhalinyaro intooda badan uu damiirku shidey, oo waxa ay niyeysteen iney naftooda meel gaadhsiiyaan waalidkoodna wax soo taraan. Dabcan khatar badan ayay qaateen, waxaana isweydiin leh khatarta intaa leeg maxaa kalifi kara.

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha
 bileaqoontaiyonolosha@gmail.com



Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii