Monday, 21 September 2015

Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Bedel Ku Sameeyey Qaar Ka Mida Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaaraddaha Qaarkood -



Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Bedel Ku Sameeyey Qaar Ka Mida Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaaraddaha Qaarkood




Hargaysa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3606/092015 isku bedel iyo magacaabid uu ku sameeyey qaar ka mida Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha Jamhuuriyada Somaliland.



madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo in isku beddel iyo magacaabid lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;
Markuu Ka Fiirsaday:               Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay:                  In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Isku bedel
Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

In Mudane, Abiib Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Maxamed Xasan Ibraahin, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane Saleebaan Jaamac Diiriye, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabida
Wuxuu go’aansadayIn Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed (Abdeeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ArrimahaDibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland


No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...