Monday, 21 September 2015

MAANSADA HOOBAL 1976



  • MAANSADA HOOBAL 1976 

 Mohamed Hashi Dhamac -GAARIYE-AHUN


Waxay  ka hadlaysaaa gabayaaga iyo kaalintiisa waxaa ay soo baxday intaan talis kii siyaad xoog loogu kicin( ABWAAN GAAREIYE AHUN)
Ø  Cumaroow haiyo woow
Ø  Hal madow araar culus
Ø  Higaad alif wax maale ah
Ø  Ama xaraf hoos dhaban
Ø  Hor dhaceeda maansada
Ø  Harawaati mawjada
Ø  Hindisha ujeedada
Ø  Iyo hogo tusaalaha
Ø  Hal abuurka ila garo
Ø  Hinji oo ka sii gudub
Ø  Horta aan is kaa baro
Ø  Haybtayda guudnimo
Ø  Heesaa ayaan ahay
Ø  Hantidaydu waa gabay
Ø  Hirwadaan ku noolahay
Ø  Habeenkiyo dharaartii
Ø  Intaa heegan baan ahay
Ø  Hurdo baal ma soo rogo
Ø  Holac olalayaan ahay
Ø  Hilinkaan iftiinshaaaa
Ø  Ana ku hurushoobaaa
Ø  Wadnahayga habayaaan
Ø  Hadba tuujinaayaaa
Ø  Hudhuubada u dhigataaan
Ø  Cirka haada duushaaan
Ø  Heeladda la jiibshaaa
Ø  Badahaas hug manayaaan
Ø  Balooley la haystaaa
Ø  M a hafado hadaan galo
Ø  Hoobal bay ytidhaahdaaan
Ø  Indhahooda anaa haga
Ø  Ka halaysan lay direy
Ø  Halyeyada anaa ladha
Ø  Anaa u hiisha wadhatada
Ø  Hayaanka iyo geediga
Ø  Hayin dhaaamiye ayaan ahay
Ø  Hadii ay dagaal taahay
Ø  Hub dhacaaya ayaan ahay
Ø  Nabadana hadh baan ahay
Ø  Adoo nacab ku haystoo
Ø  Halis aad u dhawdahay
Ø  Rajo kuu hirtaan ahay
Ø  Hanfiga iyo kulaylaha
Ø  Hadhac lagu nastaan ahay
Ø  Adigoo haraad qaba
Ø  Hro laga cabaaan ahay
Ø  Taariikhda hodanka ah
Ø  Hordhaceedii baaan ahay
Ø  Hirdi iyo colaadiyo
Ø  Wixii halas la soo maray
Ø  Giddi waan u hagar baxay
Ø  Hurdankii biyaan fuu
Ø  Hujuunkii Aljeeriya
Ø  Anaa heeray Faransiis
Ø  Afrikaan ku horarkii
Ø  Hootadoodii baan ahay
Ø  Cirkay hegebo ii taal
Ø  Dhulka hoos u xulanahay
Ø  Hilaac bilig yidhaahdaan
Ø  Kolkaan falaga habsaday
Ø  Waa ina habreedkeey
Ø  Qoraxdana hal maaliyo
Ø  Hooyaan wadaagaa
Ø  Hogashiyo daruuraha
Ø  Higaad ay ku deexdaan
Ø  Anoo heesa mooyee
Ø  Waligood ma heeraaan
Ø  Mankoo hiirta waabari
Ø  Huwan darab ayaan ahay
Ø  Habeenkii riyaaan ahay
Ø  Hoosiiska sagalkiyo
Ø  Saxar qaaad hawaaan ahay
Ø  Giitaarda hadaaqana
Ø  Sir ku hoos jirtaan ahay
Ø  Muusiga hibo leh baan ahay
Ø  Hanaan luuqadu leedahay




No comments:

Post a Comment

Maxaa laga filan karaa Golaha Amaanka Bari Qadiyadda Aqoonsiga Isreal ee Somaliland!

  Marka la eego aqoonsiga Israel ee Somaliland iyo xidhiidhka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Israel iyo Maraykanka, waxaa laga filan kara...