Monday, 21 September 2015

Jawaabtii Su'aashii aheyd maxaad shaqadan U soo Qoratey. By:Aqoonyahan Mohamed Ali Bile Bile Aqoont Nolasha U adeega!



Jawaabtii Su'aashii aheyd maxaad shaqadan U soo Qoratey.
By:Aqoonyahan Mohamed Ali Bile
Bile Aqoont Nolasha U adeega!

 


Asxaab badan ayaa siyaalo kala duwan uuga jawaabey oo qaar badani ay sax ahaayeen. Ma jirto hal jawaan oo la odhan karo taasuunbaa sax ah. Balse, kowan hoos ku qoran iyo qaar u eeg ayaa ka mid noqon karaa kuwa saxa ah.

1. Shaqada an iminka hayo waxa an wadey 2 sanadood, waxaaney u eegtahay inan meel wanaagsan ka gaadhey oo an si fiican aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba meel ku tiiriyey. Waxay u muuqataa inan u baahanay shaqo intan ka sii heersareyso oo an aqoonteyda iyo khibradeyda u adeegsado anigana ii noqota hawl an aqonteyda ku imtixaamo iyo horumar.
2. Shaqada an hadda hayaa wey wanaagsantahay oo meel fiican ayaan ka gaadhey. Inkastoo qeybo ka midi ay la xidhiidhaan aqoonta an bartey haddana, shaqadan ad soo xayeysiiseen ayay u muuqataa iney si toosta uula xidhiidho aqoonteyda iyo waayay aragnimadey, waana halkaan isleeyahay wax badan ayaan faa’iideyn kartaa, horumarna an ka sameyn karaa.
3. Mashruuca an iminka ka shaqeeyaa, 6 bilood dabadood ayuu xidhmayaa. Inkasata oo shaqada la iga jecelyahay hadana ma doonayo inaan sii fadhiyo oo shaqadu igu dul dhaamato sidaasaan u doorbidey inaan shaqadan soo qorto. Ta aka sakow, shaqadan ad soo xayeysiiseen xiiso gaar ah ayay ii sameyneysaa oo waxa ay u muuqataa iney tahay mid haddii la I siiyo an ka mid noqon doono hey’ad hadaf wanaagsan ka leh horumarinta reermiyiga, waana halka aqoonteyda iyo waaya aragnimadeydu u badantahay.
Jawaabahan iyo qaar la mida marka sheegto, waxa iyana la ogyahay in lacagtu meesha ku jirto. Waxad raacin kartaa “hey’adiinu shaqaalaha amaal marin u qalanta shaqadooda ayaa siisaan, ha noqoto kharashka caafimaadka ama mushaharka, taasina waa dhiirigelin wanaagsan oo I soo jiidatey.




No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...