Monday, 21 September 2015

Shaqo Ayaa la Xayeysiiyey. Adiga iyo 50 Qof oo Kale Ayaa Soo Qortey.



Shaqo Ayaa la Xayeysiiyey. Adiga iyo 50 Qof oo Kale Ayaa Soo Qortey.

Qalinkii: Aqoonyhan Mohamed Ali Bile

Aqoonta U Adeegta Bulshadda

 

I am greeting you from the bottom of my heart. My name is Mohamed Ali. I am a Somalilander or Soomaali and I am very happy to apply this job. I have seen your advertisement for this job in the newspaper 5 days ago, and I decided to apply.” haddii shaqo ad codsaneyso sidan iyo si la mida ad ku bilowdo, iyada oo ilaahey lagaaga yaabo mooye, codsigaaga xashiiska ayaa lagu ridayaa.
51 kiinii waxa lagala soo dhex baxay 20 dhalinyaro ah oo ad adigu ku jirto oo shuurdihii buuxiyey. 20 kiinaa ayaa la rabaa in 5 lagala soo baxo oo la imtixaamo. Sideed uuga mid noqon kartaa 5 ta isku soo hadhay ee la wareysanayo ee interfiyuuga laga qaadayo?
Laba tallaabo ayaa la maraya si 20 kiina loogala soo baxo 5. Tallaabada koowaad waa warqadda codsiga ee ad qortey. Midda labaadna waa CV-ga ad ku lifaaqdey. Inta badan, hal qof ayaa soo soocaya 5 taa u danbeysa, markaasuu u gudbiya qofkii shaqadaa u xilsaarnaa. Qofkan kala saarayaa waxa horyaala waraaqihii 20 qof oo intooduba shuruudda buuxiyey oo shaqandan khibrad u leh oo uu doonayo inu 15 idin ka mida iska tuuro oo uu 5 ka naqeysto.
Marka koowaad waxa uu akhriyaya warqadda codsiga. Haddii ay warqadda codsigu cajabiso, waxa uu eegayaa CV-ga. Haddii warqadda codsigu cajabin weydo. Waxba CV ma sii eegayo ee dhinac ayuu iska dhigayaa. Qofkan kala saaraya laftiisu, waa qof caadi ah haduu doonana surucyo leh. Waraaqahan horyaalana waa isku wada mid, oo waa Cabdi, Cali, Ismaaciil, Yusuf, Ugaaso, Nimco, Sahra. Waa wax isu wada eeg oo xiiso sida ah uuma hayo. Wey jiraan dad wanaagsan oo warqadda codsiga iyo CV gaba si wanaagsan u akhriyaya oo dhuuxaya, balse taasi ma badna. Taa macneheedu waa maxay? Inad ku soo baxdo wareegga danbe waxa kuu haya warqadda codsiga. Waayo iyada ayaa haddii ay fiicantahay sahleysa in CV-gaaga la eego.
Maanta an ka hadalno warqadda codsiga. Sida caadiga ah dadku wey dhayalsadaan, inta badanna waxa ay qoraan in yar oo ay meelaha ka soo naqileen oo isu wada eeg. Waxa ad arkeysaa, inta badan dadku salaan iyo kalgacal ayay ku bilaabaan warqadda. Qaar wey baryootamaan. Waxa kale oo ay bilowga ku badiyaan war aan loo baahneyn. Qofkan akhriyayaa haddii uu u bogo baaragaraafka u horeeya, uu xiiseynayaa inu sii akhriyo. Balse hadduu baaragraafka u horeeya la dhici waayo, waxaagu waa xashiishka.
“I am greeting you from the bottom of my heart. My name is Mohamed Ali. I am a Somalilander or Soomaali and I am very happy to apply this job. I have seen your advertisement for this job in the newspaper 5 days ago, and I decided to apply.” Warqadda sidan u bilaabantaa waa xashiishka, isagoo Ilaahey kaaga nixiya oo yidhaa bal hadda iska sii eeg miskiinkan ama miskiinadan cadilan.
“I am sending you my application for the job you advertised in the newspaper 5 days ago. I am a national of this country and finished my university degree 5 years ago. That is why I am applying for this job. I heard your company treats its staff very well, and I am happy to be member of your team”. Tan lafteeda isagoo qofkii akhriyayey is leh xashiishka ku rid, ayuu arkayaa adiga amaanaya shirkadooda, markaasuu hoosta ka odhaanayaa, bal iska sii akhri waatan gabadhani idin ammaantee.
Baarigraafka warqadda uugu horeeyaa waa inu “JAC” yeeshaa. Ogow meesha 15 qof ayaa la tuurayaa oo jaamacad kaala soo baxay oo khibradaada oo kale leh. Waa khasab inad dadkan ka soo dhex baxdo oo la xiiseeyo waxa ad ku bilowdey qoraalkaaga. Shirkadani ma rabto inad magacaaga u sheegto, hore ayay u heysteen oo uu qoranyahay. Uumana baahna inad u sheegto inad Somaaliland u dhalay iyo in kale, meesha teysaro la bixin mayo!
Waxad ku bilaabi kartaa. “Waxan codsanayaa booska ad ku soo xayeysiiseen joornaalka ee ahaa “maamulaha Xisaabaadka Shirkadda”. 8 dii sanadood ee u danbeeyey, waxa an u shaqeeyey 3 sharikadood oo an intaba ka hayey xilal ku saabsan xisaabaadka, waxaanan shaqooyinkaa ka keeney guulo la taaban karo, oo ad ku arki karto CV-geyga halkan ku lifaaqan. Taasina waa sababta. Labadii sanadood ee hore ee an shirkad heblaayo u shaqeynayay waxa ay ii aheyd tababar iyo inaan si fiican u fahmo sida nidaamka xisaabaadka ee shirkaduhu u shaqeeyaan. Balse 6 sanadood ee dan ee an shirkad heblaayo iyo heblaayo u shaqeeyey, waxa an ku guuleysanney in macaashka shirkaddu uu kaco 30%.
Qofkan warqadda akhriyaya, hunguriga ka soo rid. Been ha sheegin, Balse runta xawaash wanaagsan ku dar, qodobkana toos u taabo adaoon salaan soo warwareegga badin

No comments:

Post a Comment

Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Dhalan Kara Booqashada Raysal Wasaare Xamse Barre ee Laascaanood iyo Xidhiidka Somaliland.

      Haddii Raysal Wasaare Hamsa Bare) uu booqdo Laascaanood, waxay noqon kartaa arrin siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, waxaana laga y...