Skip to main content

20 Jir... illaa 30 .....10 Cashar Oonu Macalinkaagu Kuu Sheegin W/Q; Aqoonyahan Mohamed Ali Bile…Bile aqoonta u adeegta Nolasha!



Maxay Aqoontu Saameyn waafi Ah Uugu Yeelan Weydey Nolosha?

Qalinkii;Mohamed Ali Bile

“Aqoonta u adeegta Nolasha”


8 maalmood ayaan Hargeisa soo joogay. Waxay aheyd muddo gaaban balse aad u xiiso badan. Waxa an qabtey laba muxaadaro oo ballaadhan iyo shirar badan oo googoos ah oo an la yeeshey dhalinyarada an fikir waadagta nahay. Muxaadaradii hore oo  lagu qabtey qolka shirarka ee Ururka Dhalinyarada ee SONYO waxa ay ku saabsaneyd Sababta ay Aqoonto saameyn Mug leh Uugu Yeelan weydey Nolosha. Dhalinyaradii meesha iskugu timid ayaa aad arinkaa uuga hadashey. Qodobadii an anigu arinkaa ka idhi ayaan ku soo koobey 12 kan qodob.  Muxaadaradii oo Video ah waxa ad ka daawan kartaa halkan: https://www.youtube.com/watch?v=LXeGLDsqrOw





1.      Tacliintii lagu baran jirey iskuulada dalka xiligii isticmaarka, waxay aheyd mid loogu tala galey iney u adeegto hawlihii iyo maamulkii isticmaarka ee xiligaa. Dadka iskuulada ka soo baxa oo ahaa tiro aad u kooban waxa intooda badani noqon jireen dad ka shaqeeya xafiisyadii isticmaarka oo u badnaa karraaniyo iyo turjumaano iyo woxoogaa macalimiin ah. Xiligii isticmaarka mey jirin tacliin loogu tala galay iney saameyn ku yeelato mujtamaca ama dalka hore loogu mariyo.





2. Markii gobanimada la qaatey iyo sanadihii ka danbeeyey, tacliinta dalka lagu baran jirey mey lahey aragti fog. Waxa la baran jirey buugaag laga keeney Sudan, kenya, Ingiriiska iyo Masar. Tacliintu wey fiicantahay ee hala barto mooyee, mey jirin aragti dheer oo laga lahaa tacliinta.








3. Xilligii kacaanku dhashay, 1969 kii iyo wixii ka danbeeyey, tacliintu waxa ay laheyd 3 hadaf oo kala ahaa in tacliinta lagu fadhiisiyo dhaqanka, afka iyo bii’adda Soomaalida, iyo loo adeegsado borobagaanda lagu taageerayo dawladdii markaa jirtey iyo in tacliinta sare ay u adeegto wax soo saarka sida beeraha iyo warshadaha.








4. Inkastoo dhinacyo badan horumar laga sameeyey xagga tacliinta, hadana weli ma cadda hadafka waxbarasho ee Soomaaliland leedahay. Waxa aan caddeyn nooca qofka la rabo inu ka soo baxo tacliinta 12 sanadood ee dugsiga hoose/dhexe/sare lagu barto oo aheyn inu ardeygu barto xisaab iyo Juqraafi iyo maadooyin aan noloshaba meel kaga jirin. Waxa aan iyadu melena heysan tacliinta jaamacadaha dalka oo aan kuba saleysneyn baahida wadanka taalla. Tacliinta Jaamacadaha waxa loo dhigtaa shahaadad ku qaado.








5. Hadafka koowaad ee dhalinyaradeenu wax u barataa maaha saameyn ku yeelo dalkaaga iyo mujtamaca balse waxa inta badan wax loo bartaa ku shaqeyso oo mushahar ku qaado oo bariis ku cun. Waa aragti gaaban oo anaani ah. Wax looma barto wax ku bedel ama wax ku ikhtiraac. Loomana barto dadkaaga dhibaatada kaga saar.





6. Tacliin la barto laguma shaqo tago ee xirfad ayaa lagu shaqeystaa. Tacliinta lagu barto dugsiyada sare iyo jaamacaduhu dalkeena malaha wax xirfad ah, taasaana keentey in ardeyga jaamacadda dhameystaa noqdo “buug buug sita” oo aan loosoo diyaarin sidii uu uuga qeyb geli kari lahaa shaqooyinka iyo wax soo saarka dalka.





7. Ummadeena qofka wax bartaa uu ka sii fogaadaa umadda inteedii kale ee u baahneyd aqoontiisa. Marka ay qofka tacliini u korodho ama mansab, uu ka dhex baxaa dadka intiisa u baahan, waxaanu u guuraa xafadaha dadka ladan, waxa uu la sheekeystaa dadka isaga la midka ah, aqoontii u barteyna waxa uu u adeegsadaa horumarka naftiisa iyo reerkiisa oo keli ah. Markaad dhinac ka eegto, dadka wax bartey xaasidiin ayay u muuqadaan oo inta ay wax ku soo barteen hantidii umadda ayay naftooda uun ka foodh yeeleen.








8. Dadkeena wax barta waxa ku yar kalsoonidii ay aheyd in aqoontu u kordhiso. Tusaale ahaan, halka caaqilka iyo suldaanku iyaga oo isku kalsoon uuga hadlayaan sharciga dalka iyo sharciga doorashooyinka, arki meysid jaamacadeheenna oo ka doodaya arimaha sharci ee dalkeena. Aqoonyahanku uu isdhiibey oo wuxu rumeysanyahay inaan cidina aqoon ka dhageysaneyn. Arki meysid aqoonyahan sharciga bartey oo ka doodaya sharciga doorashooyinka, halka ad arkeyso odey aan distoorkaba weligii arag oo hadana kalsooni ku doodaya.








9. Qofkii aqoonta lahaa waxa uu u qaatey in aqoontu tahay inta uu bartay oo wuxu quudhsadaa aqoonta kale ee dadka aan iskuulada galin leeyihiin. Habeenka an muxaadarada qabtey ayuu nin dhalinyaro ihi I weydiiyey in dalka afmiishaarnimo lagaga shaqeysto oo aan aqooni shaqeyn. Waxan uugu jawaabey, haddii aqoontaadii afmiishaar iska celin kari weydey marka hore ayaaney aqoonba aheyn. Takale, afmiishaarnimdu waa xirfad wanaagsan oo si qaldan loo adeegsadey. Ka warran haddii ad aqoon leedahay aftahanimana ad baratey- afmiishaar iyo dhagmiishaartoona kuma soo gaadhi karo.








10. Aqoonteenii lamaba heysato waxa nolosha dhabta ah ka jira. Aqoonyahanka waxa lagu soo korisey hooyo khudradleey ah ama hilibley ah ama macalimad ah ama aabbo wastaad ah ama bakhaar leh ama dawladda u shaqeeya. Sidaasooy tahay, ma jiro qof wax bartay oo doonaya inu ku shaqeeyo farsamadii lagu soo koriyey oo uu hore u mariyo. Kuligeen waxa an raadineynaa shaqo dawladeed oo sare ama lacag iyo dhacdhac ka soo geleyo ama hey’ad ajinabi ah. Wixii ina horyaaley ma rabno.


11. Dadkii wax baratay ma abaabulna oo bulshada ma dhex galno. Shaqadii dadkii wax bartay “waa nin iyo gaaraaguuf”. Deegaanka iyo xaafadda uu qofka wax bartay degenyahay sumcad kuma laha oo kama qeyb qaato wax aka socda. Luqadiisu wey isbedeshey oo isaga iyo dadku isma fahmaan. Abaabul la’aanta ayaa itaalkoodii iyo aqoontoodiiba qarisey. Maadama aanu abaabulneyn, waa laga maarmey oo dadka intii kale ee abaabulneyd sida qabiilka ayaa taladii haya kii wax barteyna kolba waa sida loogu taliyo.








12. Nidaamkeena dawladnimo si qaldan ayuu ku soo bilaabmey, aqoontana sidii la rabey uumuu adeegsan. Wuxu ka doorbidey oo u sahlanaadey inu iskaashi la sameeyo inta weji ku macaashka ah iyo beel adegsadayaasha. Xataa midmidkii aqoonta la bidayey ee nidaamka siyaasadda galay isagii ayaa ku dhex milmey oo u dhaqmey sidii qof aan aqoon laheyn.




Comments

Popular posts from this blog

Somaliland international partners urge political stakeholders to agree on a timely roadmap election.

  For the first time ever, Somaliland's foreign allies have officially spoken out against the extension of President Bihi's tenure by the house of elders by two years. The international partners emphasized the significance of a consensus-driven process that enables elections to be held as soon as possible in a manner consistent with the technical considerations laid out by Somaliland's National Electoral Commission, without specifically stating whether or not the mandate extension was appropriate. In a statement, they urged the political stakeholders to work together constructively to agree on a timely roadmap for the elections for Somaliland’s democratic credibility and stability. The declaration was made only a few days after opposition parties explicitly criticized the house of elders' decision to extend President Bihi's term by two years and stated they would no longer accept him as "a legitimate president" when his term ends on November 13. a

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE.

SI AAD U GARATO HALKA AAD KU SOCOTO; WAX KA OGOW HALKII AAD KA TIMID!! W/Q: MAXAMED CALI BILE . Waxaan Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA”

XIRSI-GAA MAANTA SIYAASIGA WAYN NOQDAY WUXUU KAMID AHAA DHALINYARADII KULMIYE KA BADBAADIYEY TAHRIIBKA” - Guddoomiyaha/ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey duhurkii Maanta. Muuse Biixi Cabdi oo kolkii la soo dhaweeyey kaddib fagaare kala hadlay Taageerayasha soo dhaweeyey, ayaa u mahad naqay bulshada reer Burco ee halkan ku soo dhaweeyey, isagoo ku hambalyeeyey doorka ay kaga jiraan guulaha xisbiga Kulmiye tan iyo markii la aasaasay . guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacbiga Gobolka Togdheer ku booriyey inay ka qayb-qaataan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer. waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweynaha Somaliland, aasaasihii Kulmiye, guddoomiyihii SNM ee halganka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga la hadlayey. ” waxa kale oo aan idiinka mahad naqaya codkii