Monday, 21 September 2015

Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Bedel Ku Sameeyey Qaar Ka Mida Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaaraddaha Qaarkood -



SOMALILAND: Wasiir Jiidhay Tifaftiraha Shabakada Wararka Ee SomalilandMonitor.com Iyo Dhaawaca Soo Gaadhay.





“Itiqile waxa uu kajabay gacanta midig iyo lugta midig, waxaana madaxa la tolay sideed qodob iyo jugo kale oo ku maqan”


Hargeysa(Hayaannews):- Tifaftiraha Shabakada Wararka ee SomalilandMonitor.com Eng. Cabdirisaaq Ismaaciil Qalinle (Itiqile) ayaa maanta dhaawac culusi soo gaadhay, kadib markii uu shil gaadhi galay.


Shilkan oo ka dhacay maanta duhurnimadii Huteelka Guuleed Hortiisa ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa jiidhay Weriye Itiqile Gaadhi noociisu yahay Grande Mark Two oo uu watay Wasiirka Qorsheynta qaranka Somaliland Dr.Sacad Cali Shire.


“Eng.Cabdirisaaq Ismaaciil Qalinle (Itiqile) waxa uu kajabay gacanta midig iyo lugta midig, waxaana madaxa la tolay sideed qodob iyo jugo kale oo ku maqan. Waxaana imika lagu daweynayaa oo uu yaala Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa”Sidaa waxa Shabakadxa Wararka ee Hayaannews u xaqiijiyay Guuleed Cabdi Aadan Gabas oo dhakhtarka ku booqday Suxufiga.

No comments:

Post a Comment

Dagaalka Bariga Dhexe iyo Saamaynta Dhaqaale ee Geeska Afrika

  Bariga Dhexe waa mid ka mid ah gobollada ugu xasaasisan dunida marka laga hadlayo siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha. Xiisadaha iyo dagaal...